sahannews.net
Culeyska Neymar Junior Ee PSG, Kulanka Chelsea Ee Wareega 16-ka UCl & Ivan Rakitic Oo Ka Hadlay Kulanka El-Clasico Ee Dhamaadka Bishaan Dhici Doona.
December 14, 2017 - Written by Ridwaan Saleebaan

SAHAN/SPORTS} Barcelona ayaa iska iibisay Neymar Junior bartamahii sanadkaan markii Paris Saint Germain ay la kulantay lacagahii lagu jabinayay heshiiskiisa oo gaarayay ilaa 222 Malyan oo Euro, waxaana durba la dareemay in labada dhinac ay isku baahnaayeen.

Xidiga Barcelona Ivan Rakitic ayaa shaaca ka qaaday in Neymar uu leeyahay tayo aan caadi aheyn, balse ciyaartoyda wanaagsan aysan sameyn karin koox wanaagsan taasoo uu kala jeedo inuu ka tagay koox weyn.

“Waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican dunida, balse mararka qaar xidigaha ugu wanaagsan dunida ma sameeyaan koox fiican” ayuu xidiga reer Croatia oo la hadlayay Sportske Novosti.

“Waxaan bixitaankiisa uga gudubnay shaqo wadajireed”

“Waxaan u shaqeynay sida ugu macquulsan ee ugu adag waxaana awoodnaa inaan guuleysano”

Dhanka kale Ivan Rakitic wuxuu ka hadlay kulanka El-Clasico ee lagu balansan yahay 23-ka bisha December, waana laba maalmood ka hor fasaxa ciida masiixiga.

“Mid ka mid ah labada kooxood ayaa qaadan doona fasax ciideed [Masiixi] xun” ayuu yiri Ivan Rakitic

“Kaliya waan kaftamayay”

“Waxey noo noqon kartaa kulan weyn mar kale, waxaana hubaa inaan heysano fursad aan ku guuleysano”

“Guusha waxey nagu hagi kartaa inaan sanadka si fiican ku dhameysano”

Ugu dambeyntii Ivan Rakitic wuxuu ka hadlay kulanka ay wareega 16-ka isku arki doonaan Chelsea ciyaaraha koobka horyaalada yurub.

“Waa kulan weyn, sida kooxaha kale ee usoo baxay wareegaan”

“Waa shaki la’aan sababtoo ah waa wado dheer, balse waa inaan isku diyaarinaa”

“Waan shaqeyn doonaa kulanba kulan, inago rajeyneyna inaan guuleysano mid walba oo ka mid ah”

COMMENTS
Latest News