sahannews.net
“Ha Heesin Ilaa Aad Koob Ku Guuleysato” Tababare Jose Mourinho Oo U Jawaabay Ciyaartoyda Manchester City Ee Ku Qeyliyay Park the Bus”
December 18, 2017 - Written by Ridwaan Saleebaan

Sahannews/Sports Tababare Jose Mourinho ayaa u jawaabay ciyaartoyda Manchester City ee ku heesay “Park the Bus” markii ay dhamaatay ciyaartii ay 4-1 kaga adkaadeen Tottenham Hotspur kulankii isbuucaan lagu ciyaaray Etihad Stadium.

Muuqaal uu soo duubay Daafaca ka dhawacan City ee Benjamin Mendy ayaa qabsaday baraha bulshada madama inta badan ciyaartoyda kooxda ay ku heeseen “Park the Bus, Park the Bus, Man United” waxey aheyd ku digasho ka dhan ah tababaraha falsafadiisa lagu eedeeyo kaliya iney ku qotonto dhanka difaaca.

Jose ayaa markii ugu horeysay u jawaabay ciyaartoda Citizens kadib markii ay wiilashiisa guul ka gaareen West Brom kulan ka dhacay garoonka The Hawthorns, markaas oo ay goolal ka kala heleen Romelu Lukaku iyo Jesse Lingard.

“Ha heesin ilaa aad wax ku guuleysato” ayuu yiri tababare Jose Mourinho isagoo ku duraya in xidigaha Citizens ay sameeyeen dabaal dag waalli ah sameeyeen kadib kulankii Manchester Derby.

“Waa inaanan sameynin wareeg, waxaan dooneynaa inaan ciyaarno ilaa maalinta ugu dambeysa” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Kulanka ugu dambeeya ee Premier League, waxaan la ciyaari doonaa Watford iyadoo lagu ciyaarayo Old Trafford, bartamaha May, ilaa laga gaaro, kulan walba diyaar ayaan u nahay”

“Hadii su’aasha aad na weydiisay aad weydiiso kooxaha sadexaad, afaraad, shanaad iyo lixaad, sida cad uma muuqato” ayuu yiri ugu dambeyntii Jose Mourinho.

COMMENTS
Latest News