sahannews.net
Sergio Ramos Oo Markii Ugu Horeysay Ka Jawaabay Xurgufta La Sheegay Iney Kala Dhaxeyso Cristiano Ronaldo, Muxuuse Ka Aaminsan Yahay?
December 18, 2017 - Written by Ridwaan Saleebaan

sahannews/sports Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa inkiray iney wax xurguf ah kala dhaxeyso xidiga ay iskala tirsan yahiin Real Madrid Cristiano Ronaldo isagoo ku tilmaamay inuu yahay midkii ugu fiicnaa oo uu arko.

Cristaino Ronaldo wuxuu noqday xidiga labaad ee ugu fiican tartankii FIFA Club World Cup ee laguu soo afjaray Abu Dhabi, inkastoo uu dhaliyay goolka guusha kulankii ay kooxdiisa guusha ka gaartay Gremio.

Isbuuc ka hor waxaa jirtay hadal heyn ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Sergio Ramos & Cristiano Ronaldo iyadoo lasoo wariyay ineysan isku wanaagsaneyn, balse Ramos ayaa ka hadlay kaas oo qiray ineysan jirin wax dhibaato ah.

“Xidigeena lambarka 7-aad, waa nuuca weerar kii ugu fiicnaa oo aan arko, waana halyey” ayuu yiri Sergio Ramos oo la hadlayay AS.

“Waan hubaa in loo xasuusan doono sida mid ka mid ah ciyaartoyda ebid ugu fiican taariikhda ciyaarta kubadda cagta”

“Cristiano waa furaha kooxda, wuxuuna si weyn u xushmeeyaa inta kale ee kooxda”

Real Madrid ayaa dib ugu soo laabaneysa caasimadda si ay isugu diyaariyaan kulanka weyn ee ay Barcelona la ciyaari doonaan todobaadka soo aadan.

COMMENTS
Latest News