sahannews.net
Karim Benzema Oo Si Cadho Wayni Ku Jirto Ugu Jawaabay Wariyaha Caanka Ah Ee Gianluca Di Marzio Iyo Benzema Oo Ka Hadlay Haddii Uu AC Milan Heshiis La Gaadhay.
July 21, 2018 - Written by admin

Sahannews.net:-

Waxaa maanta soo baxay war sheegayay in kooxda Napoli ay heshiis la gaadhay Karim Benzema waxaana warkan shaaciyay Sky Italia iyada oo wariyaha caanka ah ee Gianluca Di Marzio uu sheegay in dhex dhexaadiyaha Ludovic Fattizzo  iyo wakiilada Karim Benzema ay kulan la qaateen tababarhaa AC Milan ee Gennaro Gattuso iyo waliba agaasimaha ciyaaraha ee Massimiliano Mirabelli.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Gattuso uu dhawr maalmood ka hor xdihiidh toos ah la sameeyay Karim Benzema isla markaana uu xidiga ree France ogolaaday in uu biiro AC Milan taas oo shalay loo ogolaaday in ay xili ciyaareedka cusub ka qayb gali karto UEFA Europa League.

Warkan ayaa ku baahay saxaafada Talyaaniga iyo Spain si la mid ah saxaafada kale ee caalamka laakiin Karim Benzema ayaa cadho ka muujiyay warka uu qoray wariye Gianluca Di Marzio wuxuuna xidiga ree France bixiyay jawaab cadho iyo waliba aflagaado ka muuqaato.

Karim Benzema oo warka uu shaaciyay  Gianluca Di Marzio ka cadhaysan ayaa soo qoray: ” Beenaale Di Marzio, adigu waxaad tahay midka u baahan in uu shaqooyinka uu badalo”. Wuxuuna markale hadalka Benzema ku baahay warbaahinta Talyaaniga iyo Spain.

Wuxuuna hadalka Karim Benzema biyo qabow ku shubayaa wararkii sida xoogan u soo baxayay ee sheegayay in uu ogolaaday mushaar 9 milyan euros ah oo la mid ah kan uu Madrid ka qaato iyo in madax waynaha Real Madrid aanu heshiiskan ka hor joogsan doonin.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Karim Benzema ayaa wali cirka ku shareeran iyada oo maamulka Madrid ay doonayaan doonayaan in ay gool dhaliye tayo sare leh la soo wareegaan iyada oo tan iyo xili ciyaareedkii hore ay jamaahiirta Madrid ku orinayeen xidiga ree France.

Kooxda Napoli ayaa markii hore si xoogan loola xidhiidhinayay Karim Benzema laakiin madax waynaha kooxdan ee Aurelio De Laurentiis ayaa shalay beeniyay in ay kooxdiisu la soo saxiixanayso Benzema waxaana kadib soo baxay wararka uu hadda Benzema beeniyay ee AC Milan la xidhiidhinayay.

COMMENTS
Latest News