sahannews.net
WAA AYO 10KA CIYAARTOY EE UGU SAREEYA KALA IIBSIGA CIYAARTOYDA DUNIDA
July 21, 2018 - Written by admin

Sahannews.net:-

Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.


James McClean oo ka mid ah ciyaartoyda ugu firfircoon ee kooxda West Brom ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Stoke City, labada kooxood ee ka dhacay horyaalka Premier League ayaa ka heshiinaya xaaladda xiddigaan heerka caalami.

Advertisement

Nikola Kalnici xaaladiisa wali lama dhameyn, balse warbaahinta wadankiisa Croatia inuu kusii jeedo kooxda Atletico Madrid, walow aan aad loo hadal heynin sheekadiisa iyo sida uu ugu dhaw yahay inuu ka mid noqdo xerta Diego Simeone.

Inkastoo mid ka mid ah maamulka Bayern Munich uu inkiray iney 30 Malyan oo Pound ku bixinayaan heshiiska daafaca reer France Benjamin Pavard, hadana wali wuxuu ku jiraa xiddigaan hadal heynta la xiriirineysa kooxda Bavarian.

Richarlison oo ah xiddig wacdaro ka dhigay Premier League fasalkii lasoo dhaafay ayaa si aad ah loola xiriirinayaa kooxda Everton iyadoo ay macquul tahay inuu ka mid noqdo saxiixyada Marco Silva.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:

COMMENTS
Latest News