sahannews.net
Tababaraha Xulka France Didier Dechamps Oo Doonaya In Ciyaartoydiisa Hanatay Koobka Adduunka Ay Ku Guuleystaan Ballon d’Or.
July 21, 2018 - Written by admin

Sahannews.net:-

Tababaraha xulka France Didier Dechamps ayaa rajeynaya in xiddig ka tirsan wiilashiisii kusoo guuleystay koobka Adduunka ay hantaan abaalmarinta Ballon d’Or ee la rajeynayo in la bixiyo inta lagu jiro sanadka 2018, waxeyna tani soo afjareysaa doorkii Ronaldo iyo Messi 10-kii sano ee lasoo dhaafay sida aflaanta taxanaha loo daawan jiray.

Sida lagu daabacay Marca, waxaa jira dhawr ciyaartoy oo la carabaabi karo marka laga hadlo xulka France waxaana ka mid ah: Antoine Griezmann, N’Golo Kante, Paul Pogba iyo Kylian Mbappe kuwaas oo ka qeyb noqday safarkii guulaha ee Russia.

Didier Dechamps wuxuu ka fogaaday inuu abuuro qalalaaso iyo qalbi jab ciyaartoydiisa ah maadaama uusan magacaabin xiddig gaar ah, wuxuuna kaliya kusoo koobay ciyaartoyda reer France oo dhan.

“Waxaan rajeynayaa in xiddiga reer France ah uu ku guuleysto Ballon d’Or, waxey noqon laheyd wax fiican” ayuu yiri tababare Didier Dechamps oo la hadlayay L’Equipe.

“Waxa ay ka sameeyeen koobka Adduunka, sababtoo ah wey ku guuleysteen”

Dhanka kale Didier Dechamps ayaa aaminsan in mar walba Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ay mar walba noqonayaan kuwa la xuso.

“Waxa ay u taagan yahiin, mar walba waa iney halkaas ahaadaan”

COMMENTS
Latest News