sahannews.net
Dubai: Dalxiise lacag badan lagu ganaaxay
August 7, 2018 - Written by admin

Wararka ka imaanaya Dubai ayaa sheegaya in qof dalxiise ah laga qaaday lacag dhan Afartan kun oo dollar oo ah ganaax gaari wadid ah afar saac uun gudahood, kaas oo socday ilaa labo boqol iyo soddon kiiloomitir hal saac oo qura, asagoo qofkaasi dalxiisaha ahi uu gaariga kasoo ijaartay Sharikadda gawaarida kiraysa ee Lamborghini.

Booliiska Dubai ayaa sheegay – in ay ka arkeen Jaraaid dalkaasi kasoo baxa – oo sheegaya in darawalka gaarigaasi ay kaamaradaha xawaaruhu qabteen soddon iyo saddex jeer asagoo maraya waddooyinka waaweyn ee Dubai intii lagu jiray hiirtii waabari.

Ganacsadaha gaariga Kireeyey ayaa sheegay in muranka la xiriira bixinta lacagta lagu ganaaxay dalxiisaha uu wali taagan yahay, kaas oo la sheegay in uu u dhashay dalka Britain.

COMMENTS
Latest News