sahannews.net
Shabakadda Marca Oo Faah-Faahisay Heshiiska Uu Matteo Kovacic Ugu Wareegi Karo Chelsea & Waqtiga Laga Yaabo In Lagu Dhawaaqo.
August 7, 2018 - Written by admin

Chelsea ayaa qarka u saaran iney la saxiixato xiddiga khadka dhexe kooxda Real Madrid Matteo Kovacic sida ay sheegayaan warbixinno ka imaanaya, balse waxaa la fahamsan yahay in heshiiska uu noqon doono mid amaah ah.

24-jirkaan heerka caalami ayaa doorbidaya inuu isaga tago garoonka Santiago Bernabeu, isagoo dareensan inuusan boos ka heli doonin qorshaha tababaraha cusub ee kooxda Julen Lopetegui, sidaas darteed wuxuu shalay diiday inuu soo xaadiro tababarka si uu kooxda ugu qasbo in loo ogolaado bixitaan.

Inkastoo Matteo Kovacic uu go’aansaday inuu baxo hadana waxaa lasoo sheegayaa in Real Madrid ay isku dayi doonto sidii ay xiddigaan uga dhaadhicin laheyd kusii nagaashnaha caasimadda.

Si kasta oo ay xaaladda Madrid tahay, shabakadda Marca oo mataan la ah wargeyska kasoo baxa magaalada Madrid ayaa faah-faahisay sida ay wax yahiin, waxeyna banaanka soo dhigeen in Madrid ay ka quusatay ku qancinta Kovacic ee caasimadda.

Sida warbixinta ay heshay Marca lagu sheegay, Chelsea ayaa xiddigaan u dhaw iney qaab amaah ah hal fasal ciyaareed ah ku qaataan, walow aan la ogeyn hadii kooxda galbeedka ka dhisan ay badali doonto mowduuca loo soo bandhigay.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay iney macquul tahay, maanta galinka dambe in xiddigaan lagu dhawaaqo heshiiskiisa, isla markaana uu ka mid noqdo xiddigaha ka xamaasha Premier League – fasalka soo aadan.

Metro ayaa sidoo kale baahisay in xiddigaan ay doonayaan labada Manchester, balse haatan uu ku dhawyahay inuu caafimaadka u maro Blues

Ugu dambeyntiina sheekadaan waxey daba socotaa hadalkii Maurizio Sarri uu todobaadkii hore ku sheegay iney kooxdiisa u baahan tahay saxiix xiddig kale oo khadka dhexe ah.

COMMENTS
Latest News