sahannews.net
Haweeney kubadda cagta u adeegsatay inay kaga hortagto guurka gabdhaha yaryar
August 8, 2018 - Written by admin

Aad ayey iigu fududeyd inaan Nairobi iska joogo oo aan ku shaqeysto sharciga aan bartay lacag badanna aan halkaa ka helo, oo weliba aan gato gaari qurux badan sida nooca Mercedes-Benz. Hasayeeshee waxaan doonayay inaan deegaankeyga dib ugu soo laabto.”

Taasi waa nolosha ay Faaduma Cabdulqaadir Aadan ku heli laheyd caasimadda Kenya. Taa badelkeedana waxa ay doorbidday inay diiradda saarto kubadda cagta – weliba deegaan dalkan ka mid ah oo ceeb looga arko in gabdhaha ay ka qeyb qaataan ciyaaraha.

“Jir ahaan ayaa la ii weerraray oo garoonkii ayaa la iga saaray,” ayey tiri Faaduma oo ka sheekaynaysa dadaalkeedii ugu horreeyay ee ay sameysay 10 sano ka hor, markaas oo ay magaalada Marsabit ee Waqooyiga Kenya ka aasaastay koox gabdhaha ah.

Waxyar un kaddib markii ay ka soo laabteen tartankoodii ugu horreeyay, sideed ka mid ah 12-kii gabdhood ee ka tirsanaa kooxdeeda ayaa la afduubtay rag ayaana si qasab ah loogu daray. Taasi waxa ay aheyd bilow aad u xun oo dhibaato gaarsiiyay.

Image copyrightFATUMA ABDULKADIR ADANFaaduma Cabdulqaadir Aadan oo la joogta askari hubaysan
Image captionTartammadii kubadda cagta ee ugu horreeyay ayaa waxaa loogu talagalay in lagu soo afjaro colaadda bulshada ka dhextaagneyd

Faaduma ayaa 2003 waxa ay aasaastay Hay’adda Horumarinta Geeska Afrika ee loo yaqaan Hodi.

Waxa ay doonaysay in ay kubadda cagta u isticmaasho sidii ay dadka isugu keeni laheyd oo ay wax uga badeli laheyd dhaqanka.

Kubadda cagta ayey u adeegsatay in ay ku soo jiidato quluubta dhalinyarada bulshada halkaa deggan, kaddib dagaal culus oo lagu baaba’ay oo 2005 halkaas ku dhexmaray dhowr qabiil oo halkaasi wada dega, dagaalkaas waxaa ku dhintay 100 qof.

“Si aad ugu biirto koox kubadda cagta waxa ay aheyd in qofku uu keeno qori AK-47 ah.” Ayey leedahay. Waxyar dhalinyaradii quryihii oo kaliya iskama aanay dhiginee sidoo kale waxa ay bilaabeen inay wada dheelaan iyagoo ku milmay dhalinyaro kale oo ka soo jeeda qabiillo ay isnecbaayeen.

Todoba gabdhood oo ku dhex jira garoon kubadda cagta ah
Image captionIn gabdhaha ay dheelaan kubadda cagta ayaa waxa ay ceeb ka aheyd waqooyiga Kenya markii uu tartankan bilaabanayay 2008

Dhaqankii oo laga talaabsaday

Faaduma ayaa markii ay usoo jeesatay dhinaca gabdhaha waxa ay doonaysay inay ka hortagto dhibaatooyin cayiman oo ay ka mid yihiin gabdhaha yaryar oo la guursado iyo weliba gudniinka fircooniga ah.

Waxa ay ku wajahday waxa ay ugu magac dartay Aanu ka gudubno Aamusnaata, arrintaas oo ku hogaamisay 1,645 gabdhood oo ka soo kala jeeda 152 tuulo oo ka tirsan deegaanka Marsabit ee Kenya in 10-kii sano ee ugu dambaysay ay dheelaan kubadda cagta.

In carruurta lagu dhiirigeliyo inay xaqooda u istaagaan iyadoo la siinayo kalsooni badan iyo in ay dheeli karaan kubadda, ayaa waxa ay qeyb dowr weyn ka dheeleen howlgalkeeda, gaar ahaan deegaan deegaan uu aad uga shaqeeyo dhaqan iyo nidaam qabiil ku salaysan oo haweenka iyo carruurta aanay badanaa lahayn wax cod ah.

“Markii hore caadi ayey iska aheyd in gabdhaha lagu guursado 13 ama 12 sanno,” ayey Faaduma sheegtay. “Maanta haddii aad guursato gabar 13 sanno jir ah, waxaa durbadiiba cabanaya gabdhaha iyo wiilasha iskuulka.”

Faaduma Gufra oo xiran dharka lagu dheelo kubadda cagta ayaa waxa ay la joogtaa gabdhaha ay isku kooxda yihiinin
Image captionFaaduma Gufra waxa ay sheegaysaa in kubadda cagta ay ka heshay kalsooni ay yoolka nolosheeda ku badeli karto

Hay’adda Hodi ayaa sidoo kale waxa ay qabataa kulamo wacyigelin ah oo ay kaga hadlayso ciyaaraha tartamada iyo weliba in gabdhaha wax la baro, sidoo kale Hodi waxa ay badanaa wax bartaa waalidiinta carruurtaas.

Iyadoo gudniinka fircooniga ah iyo guurka gabdhaha yaryar ay sharci-darro ka yihiin Kenya, ayaa haddana dhaqamada reeraha waxa ay yihiin kuwo xoog badan iyo caado aan laga gudbi karin. Faaduma ayaa waqtigalisay sidii ay dhaqamadaas u soo dabcin laheyd oo misana ay dadka ula shaqeyn laheyd.

Dadaalkeedii waa uu mira dhalay.

Kaddib markii ay wadatashiyo kala yeelatay imaamyada ayaa waxa ay dajisay qaabka ay u sameyn karto garoon kubadda cagta ah oo ay ku dheeli karaan gabdhaha Muslimiinta ah ee doonaya inay dheelaan, haatan waxa ay maamushaa koox gabdha ah oo ku dheela meel madarasa ah. “Weli ma aan rumaysni in anigoo nool aan heerkan gaarnay.”

Daawo: Gabar horumar ka gaartay ganacsiga Teknolojiyada
Image captionDaawo: Gabar horumar ka gaartay ganacsiga Teknolojiyada

Markaan hooyo noqdo gabdhaha kale ayaan caawin doonaa

Iyadoo xubnaha hay’add Hodi ay la dhacsan yihiin qaabka ay u shaqeeyaan, ayaa waxaa la arki karaaba shaqada Faaduma ay ku badashay hab nololeedkii gabdhaha yar iyo rajada ay u abuurtayba.

Faaduma Gufra, waa 14 jir, waana gudoomiye ku xigeenka iskuulkeeda. Waxaa soo korisay hooyo garoob ah oo qoyskeeda iyada kaliya ayaa gabar ka ah. Waxa ay sheegaysaa in “Kubadda cagtu ay nolosheedii badashay.”

“Markii ugu horraysay aad ayaan u xishoonayay,” ayey tiri, “Hasayeeshee waxoogaa kaddib kubadda cagta ayaa I badashay. Sanado badan waalidiinta ayaanan gabdhahooda ku taageeri jirin dheesha kubadda cagta balse mustaqbalka markaan hooyo noqdo, waxaan doonayaa inaan gabdhaha ka caawiyo inaan gabdhaha gacan ka siiyo sidii ay kubadda ku dheeli lahaayeen.”

Faaduma sidoo kale waxa ay ka mid tahay shanta arday ee ugu sarreysa fasalkeeda – halkaas oo ah boos ay badanaaba qaataan wiilasha aadka u hadli yaqaan, waxaa sidaas noo sheegtay maamulaheeda, Marwo Kame Koto. “Tan iyo markii ay bilowday inay ka qeybqaadato tartanka kubadda cagta, Faaduma waa ay furfurantay oo waxaa sare u kacay natiijada ay keento iyo xirfadeeda hoggaankeedaba.”

“Dhammaan arrimahaasi waxaa lagu gaari karaa kubadda cagta,” Faaduma ayaa sidaas ku adkaysanaysa. “Gabdhaha ayey u suuragashay inay gudaha fasalka yool ku degsadaan oo ay ka gun gaaraan iyo sidoo kale gudaha garoommada kubadda cagta

COMMENTS
Latest News