sahannews.net
Aaladda cusub oo kormeer ku samaynaysa Imaamyada Sucuudiga
August 9, 2018 - Written by admin

Sahannews.net:-

Saraakiisha Sucuudiga ayaa ku dadaalaya in la helo "Islaam dhexdhexaad ah"Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionSaraakiisha Sucuudiga ayaa ku dadaalaya in la helo “Islaam dhexdhexaad ah”

Saraakiisha waddanka Sucuudi Carabiya ayaa sameynaya barnaamij lagu isticmaalo mobilka oo lagula soconayo khudbooyinka iyo salaadaha masaajida si loogu ogolaado jamaacadda inay ogaadaan haddii imaamka masjidka uu dheereynayo salaada iyo khubadaba.

Sida laga soo xigtay wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Sucuudi Carabiya, Cabdul Latif Alsheikh, barnaamijkan mobilka ayaa lagula socon doona tayada iyo dhererka khudbooyinka masaajida, sida ay qortay jariidada Al-watan ee Sacudiga kasoo baxdo.

COMMENTS
Latest News