sahannews.net
Madaxweyne Farmaajo oo Garsoore-yaal magacaabay kuwa kalana xilka ka qaaday
August 9, 2018 - Written by admin

Sahannews.net:-

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Garsoore-yaasha Maxkmadda Sare ee dalka,  keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoore-nimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

– Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

– Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

– Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

– Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

– Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoore-nimo ee Maxkamadda uga qaaday xubnaha kala ah:

– Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

– Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

– Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

– Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

– Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

– Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Garsoore-yaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

COMMENTS
Latest News