sahannews.net
Axmed Madoobe oo cadho kala dul dhacay xukuumadda Federaalka.
August 15, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si adag ula hadlay xukuumadda federaalka oo beryahan uusan xiriirkoodu fiicnayn.

Arrintan ayaa timid ka dib markii laba sarkaal oo sida la sheegay ay xukuumadda federaalka u soo magacawday sirdoonka Jubbaland shalay laga hor istaagay inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, ayadoo lagu celiyey garoonka dayaaradaha ee magaaladaas.

Isagoo saxaafadda la hadlay ayuu Axmed Madoobe dib u gocday mar hadda ka hor isagoo Kismaayo ka maqan taliye loo soo magacaabay gobolka.

“Talo ayaa inaga dhaxaysay. Wax baan London ku heshiinnay, Xamar ku heshiinnay, Baydhaba ku heshiinnay, aaway wixii aannu ku heshiinnay? Waxaad mooddaa inay iska dhego tireen” ayuu yiri Axmed Madoobe oo hadalka u waday madaxda dawladda federaalka.

COMMENTS
Latest News