sahannews.net
Madaxweyne Waare oo xilalkii ka qaaday Wasiirradii Amniga iyo Warfaafinta Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Share Tweet Email Share Share
December 3, 2019 - Written by admin

Wareegto ka soo baxay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirradii Amniga iyo Warfaafinta.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa  oo warbaahinta u akhriyay wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in xilalkii ay hayeen laga qaaday Wasiirka Amniga C/qaadir Aadan Jeelle iyo Wasiirka warfaafinta dowlada goboleedka Hirshabelle Cabdiweli Muxumad Cabdi.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa u magacaabay Wasiirka Amniga Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre halka Wasiirka warfaafinta Hirshabelle loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.

Tallaabadan uu qaaday madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa imaneysa xili maanta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ka dhaceen rabashado dhimasho sababay looga soo horjeedo Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

COMMENTS
Latest News